Garoowe, Puntland – Agaasimaha Warbaahinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf, ayaa ka qayb galay tababar aqoon-kororsi ah oo loo qabtay Agaasimayaasha Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland.
Tababarkan ayaa ujeeddadiisu ahayd kor u qaadidda xirfadaha hoggaaminta warbaahinta dowladda, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha, tayeynta hababka isgaarsiinta, iyo horumarinta gaarsiinta xogta rasmiga ah ee dadweynaha.
Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf ayaa tilmaamay in tababarrada noocan oo kale ahi ay muhiim u yihiin horumarinta tayada shaqada warbaahinta dowladda, isla markaana ay gacan ka geysanayaan mideynta fariimaha hay’adaha dowladda iyo sare u qaadidda hufnaanta xogaha la gaarsiinayo bulshada.
Tababarka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray is-weydaarsiga khibradaha, adeegsiga farsamooyinka casriga ah ee isgaarsiinta, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Agaasimayaasha Warbaahinta ee hay’adaha Dowladda Puntland.
Ugu dambayn, ka qaybgalayaashu waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii wadidda tababarrada iyo kulamada aqoon-is-weydaarsiga si loo horumariyo awoodda warbaahinta dowladda loona xaqiijiyo gaarsiinta xog sugan, hufan, oo waxtar u leh bulshada.

